|

DHAGEYSO: Magaalada Berbera Oo Laga Joojiyay Cunitaanka Hilibka GEELA

berbera

Berbera, 13,5,2016 (QJ/SDN) –  Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa si kumeel gaadh ah looga mamnuucay qalintaanka iyo weliba cunitaanka Hilibka Geela iyo Lo’da, iyadoona arrintani lagu sababeeyay kaddib markii maamulka degmada Bebera ka war heleen neef geela oo aan caafimaad ahaan wanaagsanayn kaasi oo lagu qalay magaalada.

Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee Degmada Berbera Md. Jimcaale Cabdillaahi Jaamac [Cawke] oo Qurbejoog.Com la xidhiidhay ayaa arrintani noo xaqiijiyay, isagoona agaasimuhu uu sheegay in sharciga la hor-gayn doono shirkadahaha hilibka Geella qala oo iyagu arrintani ku kacay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalada Bebera sidan oo kale looga mannuuco cunitaanka Hilibka Geela iyo Lo’da, balse waxa iyaduna jirtay in mar hore ay arrintani soo martay degmada Bebrera.

Dhanka kale, Arrintani ayaa saameyn ku yeellan karta bulshada ku dhaqan degmada Berbera iyaga ka ganacsada Hilibka Geela iyo Ka Lo’da isla markaana cuna.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Agaasime Jimcaale Cawke Oo Arrintani Ka Warramaya.

Comments are closed