DHAGEYSO: Jawaari oo ka hadlay Doorashada, Sheegayna Hadal ka Gedisan kii Madaxweyne Xasan Sheekh
Muqdisho 16. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Dalka ka socda iyo halka ay marayaan.
Jawaari oo si gaar ah uga hadlay Doorashada xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in weli ay Magaalada Muqdcisho ka socoto isdiiwaan gelinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan diiwaan gelinta xildhibaanada, isagoona intaas ku daray in Xildhibaanada la dhaarin doono marka la soo dhameystiro lana diiwaan geliyo dhamaantood, taas oo ka soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in Xildhibaanada la dhaarin doonto Shalay oo Taariikhdu Ku Beegnayd 15 Bisha December, balse ay dib u dhacday.
Hadalkan ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxa uu ka sheegay xilli uu kormeer ku tagay goobta ay ka dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.