DHAGEYSO: Faroole iyo Raysal-Wasaare Sharma’arke Oo Kulmay, Kana Wada Hadlay Nidaamka 4.5
Garowe (QJ/SDN) – Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa markii ugu horaysay ka hadlay kulamo uu maalmihii lasoo dhaafay Garowe kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas kuwaasoo salka ku hayay arrinta 4.5 oo la doonaya in Puntland lagu qanciyo inay qaadato kana qayb gasho doorashada 2016.
Cabdiraxmaan Farole oo goor dhawayd la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay kulanka uu Sharmarke la qaatay inaysan waxba iska badalin mowqifkiisii hore kaasoo ahaa inaysan Puntland qaadan karin nidaamka lagu saleeyay soo xulista xildhibaanada cusub ee 2016.
Dhinaca kale, Farole ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Gaas, wuxuuna waraysiga laga qaaday ku sheegay inuu la kulmay shalay ayna ka wada hadleen arrinta 4.5 isagoona ku cadeeyay inay isku aragti ka taagan yihiin.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inuu ku dhagan yahay 4.5 ayna ka muuqato inuu Puntland qaadsiiyo, wuxuu sheegay arrinta socota inay tahay mid Olale loogu samaynayo madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.