|

DHAGEYSO: Ciidanka Millatariga Dalka Suudaan Oo Toogtay Dhalinyaro Tahriibayaal Soomaali Ah

tahri11

Tahriibay aal Ku dhintay Saxaraha/ Photo from Google

Khartoum — Ugu yaraan hal ruux ayaa geeriyooday lix kalana way dhaawacmeen kaddib markii ciidanka millatariga dalka Suudaan ay rasaas ku fureen gaadhi maraayay xuduudka Suudaan la leedahay dalka Itoobiya kaas oo ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahayd.

Mahad Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan wax ka barata ayaa Khaalid Foodhaadhi oo Qurbejoog.Com ka tirsan u sheegay in dhalinyaradan tahriibka ahi ay ka kala yimaadaan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya .

Mahad waxa kale oo uu sheegay in ruuxa geeriyooday ay ahayd gabadh reer Boorama balse gabadhaasi markii danbe lagu aasay halkaasi, halka intii kalana xabsiga loo taxaabay. Iyadoo la rajaynayo in maalmaha soo socda la maxkamadeeyo.

Haddaba, Wareysi uu Khaalid Foodhaadhi la yeeshay Mahad Ibraahim Yuusuf oo xaaladda dhalinyaradan la socday hoos ka dhagayso;

Qurbejoog.Com

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed