DHAGEYSO: Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Tartan Caalami Oo Dalka Qatar Ka Socda
Dooxa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Dalka Qatar waxa ka socda tartan aqooneed lagu doodayo luuqadda afka carabiga kaasi oo ay ka qayb-galayaan arday ka socota in ka badan 50 dowladood oo caalamka oo dhan ah, waxaana tartankaasi qayb ka ah arday reer Somaliland ah oo matalaysa dalka Somaliland kuwaasi oo guulo kasoo hooyay tartankaasi oo luuqadda afka carabiga ku baxaaya.
Arday reer Somaliland ee tartankaasi ka qayb-gashay ayaa guulo ka gaadhay, iyagoo ugu horreyntiiba ka ka guulaystay waddamada Sucuudiga iyo Joordan oo ay la tartameen.
Haddaba, tartankani oo ka socda magaalada Dooxa ayaa waxa nooga warramay Cali Axmed Maygaag oo ah maamulaha dugsiga blooming ee magaalada Hageysa isla markaana ah tababaraha ardayda reer Somaliland ee tartankaasi ka qayb-galaysa.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Ardayda Reer Somaliland Oo Guulo Ka Gaadhay Tartankaasi