|

DHAGAYSO: Maxaa Ka Jira In Maamulka Puntland Uu Qayb Ka Yahay Colaada Ka Taagan Deegaanka Qoriley

Laascaanood 16.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Qoriley ee gobolka sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto sansaan colaadood oo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda halkaasi dagaal ka qarxo.

Hub urursi iyo gurmad badan oo ka jira deegaanadaas ayaa nasoo gaadhaya, waxaana arrintani ay ka danbeysay ka dib markii halkaasi ay dhawaan kolonyo ciidamo laba beeleed ah oo horay isku hor fadhiyay jid-gooyo loo dhigay,halkaasina uu ka qarxay dagaal labada maleeshiyo beeleed u dhaxeeya, waxaana wararka halkaasi aanu ka helaynaa ay sheegayaan in ku dhawaad 3ruux ay halkaasi darraad ku dhinteen in ka badana ay ku dhawaacmeen, intaasi ka dib ayaa waxa deegaanka ka bilaabmatay hub urursi iyo gurmad xoogleh iyadoo labada beeleedba ay dhankooga diyaar garow xooggan kaga jiraan , iyadoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda uu halkaasi dagaal ka qarxo.

 

Haddaba waxaanu khadka telefoonka ee deegaanka qoriley kula xidhiidhnay Oday Aadan Oo Ka Tirsan Odayaasha dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya, isagoo sheegay in maamulka puntland uu qayb ka yahay dagaalkan.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARAYSIGA QURBEJOOG IDIIN DIYAARIYEY

 

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XaaladdaDeegaankaQoriley .mp3″]

Comments are closed