|

Dhagaysiga Dilkii Foosha Xumaa ee Marxuumad Ruqiya oo Maxkamada G.Hargaysa ay Amboqaaday

Hargaysa 27.March 2014 (SDN)- Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay la horgeeyay gabadh ku eedaysan inay ka danbaysay dilkii loo geystay marxuumad Ruqiya Siciid  Ayaanle oo dabayaqadii bishii hore maydkeeda laga helay guri ku yaala xaafadda New Hargeysa oo gabadhaasi deganayd  iyo sideed qof oo kale oo falkaasi kula eedaysan.

Dhegaysiga dacwadaasi ayaa markii labaad shalay  maxkamadda gobolka Hargeysa gudo-gashay, waxaa goobjoog ka ahaa laba qof oo ka mid ah eheladda marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle iyo sidoo kale dad kale oo ka socday dhinaca eheladda dadka la soo eedeeyay.

Marxuumad Ruqiya

Marxuumad Ruqiya

Sideedan  qof ee la eedaysan gabadha loo haysto falkaas dilka ah oo afar ka mid ahi ay yihiin carruurta ay dhashay gabadha eedaysanaha ah  iyo odaygeeda, halka saddexda kalena ay yihiin dad kale oo tuhunada dacwadaasi ay gashay.

Maxkamadda ayaa shalay ammaankeeda aad loo xoojiyay waxaana laga hawl-geliyay ciidamo badan oo Boolis ah oo sugayay nabad-gelyadda,Waxa la soo weriyay in Taliyaha laanta dambi baadhista ee CID-da uu maxkamadda horteeda ka  akhriyay baadhitaan dheer oo ay ku   sameeyeen  kiiskan, waxaanu sheegay in heleen   caddaymo muujinaya  in gabadha eedaysanaha ah   iyo afarta carruurta ah ee dhashay ay fuliyeen dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

Dhegaysiga dacwadaasi oo socotay  saacado ah, waxa maxkamadda horteeda tubnaa Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo danaynayay inay ogaadaan hanaanka ay u socoto dhegaysiga dacwadan iyo xogaha macluumaadka ka soo baxa dhegeysigeedaba.

Ka dib markii ay dhawr saacadood socotay dhegaysiga dacwadda eedaysanaayaashaasi  ayaa gabagabadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa waxaa uu sheegay in kiiskani uu sii socon doono isla markaana eedaysanaayaasha kiiskaasi mar kale maxkamadda la hor keeni  doono Sabtida todobaadka fooda innagu soo haya.

Xigasho Wargayska Dawan

Comments are closed