|

‘’Amarkuu Madaxweyne Siyaad Bare Na siiyay Wuxuu ahaa Taangi Lama Isticimaali karo,Diyaarad lama Isticimaalo Karo,Shacabka Xabad laguma ridi Karo Taasi Waxay ahayd Naxariis uu Madaxweynuhu Shacabkiisa u qabay’’ Dhagar qabe Morgan oo Dafirsan Xasuuqii uu ka gaystay Somaliland DAAWO

Garoowe 04.July 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ka mid ahaa Saraakiishii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Xasuuqa u geystay Shacabka Reer Somaliland, ayaa khudbad uu ka jeediyay Magaalada Garoowe kaga hadlay waxa uu ugu yeedhay Midnimada Soomaaliyeed.

MoorganMorgan oo Hayb ahaan ka soo jeeda Puntland isla-markaana dhawaan safar kaga yimid Dalalka Reer Galbeedka oo uu deggan yahay, ayaa sheegay in Puntland looga baahan yahay inay ka shaqeyso  Midnimada Soomaaliya oo uu ku sheegay inay tahay Muqadas.

Mr. Morgan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waa Inaad Midnimo Soomaaliyeed ka shaqeysaan, Haka Tanaasulina Midnimada Soomaaliyeed haddaad Tihiin Reer Puntland.” Waxa kale oo uu sheegay, “Waa inaad raadisaan Midnimo Soomaaliyeed, waayo? Midnimada Soomaaliyeed ee Muqadas.” Ayuu yidhi.

Waxaa kale oo Moorgan uu Sheegay in Keli taliye Siyaad barre oo uu u ahaa Wasiirkiisii u danbeeyay ee Gaashaandhigu inuu inkiro Xasuuqii uu ka gaystay Gobolada Waqooyi oo haatan ah Somaliland,Isagoo Sheegay in Siyaad bare isagoo Lexejeclo u haya dadkiisa uu ku amray inaanay u Isticimaalin Taangi,Diyaarad,Iyo Nooc kasta oo Hubka lagu diriro ah,Xili Diyaaradihii Somalia ay Burburin ka gaysteen Magaalooyinka Somaliland.


Comments are closed