|

Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Somalia ka Dhacay Sanadkan Sii Galbanaya 2013-ka

Muqdisho:26-Dec-2013(SDN)-Maadaama uu Sanadkii 2013-kii sii Galbanayo waxa Muhiim ah inaynu wax iska weydiino waxyaabihii ugu waaweynaa ee sanadkaas tegay uu xusuusta dadka somalida ah iyo kuwa caalamkaba kaga tegay.

 

map_of_somaliaUgu Horrayn waxan jecelahay Inaan Idiin soo Horraysiiyo inta aanu ka xasuusano dhacdooyinkii lama ilaawaanka ahaa ee Sanadkan sii dhammaanaya ka dhacay Somalia oo wax badani taariikhda somalida ku cusub yihiin.

 

 

Taxanaha Dhacdooyinkii Somalia ka dhacay 2013-ka:

 

Sannad waliba waxa uu leeyahay Sumado iyo waxyaabo lagu xasuusto oo dhib iyo dheefba noqon kara, iyadoo sannadkana  Soomaaliya  ay   ka dhaceen is-badalo waaweyn oo ay ka mid tahay dowlad rasmi ah oo dalka ka dhalatay 22-sanno kaddib iyo dowladaas oo aqoonsi ka heshay beesha caalamka.

Bishii January madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah Golaha wasiiradii horre ayaa la kulmay madaxweyne Obama.

 

Bishii January qof watay wax yaabaha qarxa oo markii horre ka soo goostay Al-Shabaab ayaa isku qarxiyay meel ku dhow xarunta madaxtooyada, dowladda waxa ay sheegtay ninkaas in uu ka tirsanaa hey’adda nabad suguda baaritaan la sameenayo.

Bishii February, waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shir looga hadlaayo maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, shirkaas oo soo socday toddobo bilood waxaa madaxweyne loogu aqoonsaday Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), in kastoo maamulkaas uu la kulmay mucaaradad iyo dagaallo ka dhacay magaalada.

 

 

Isla maamulkaas waxaa ka hor yimid dowladda Soomaaliya, oo sheegtay maamulkaas in aan loo dhammeen, balse aakhirkii labada dhinaca waa dowladda iyo Axmed Madoobe heshiis ayey ku gaareen bishii September magaalada Addis Ababa, waxaana maamulka Juba loo aqoonsaday mid KMG ah.

 

Bishii April Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, Ibraahim Xaaji Jaamac (Afgan) iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaanay Macalin Burhaan, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka leexdeen sharciga u yaalla kooxda, waxaana aakhirkii lagu dilay magaalada Baraawe ee koofurta Somalia halkaasoo ay maamusho kooxda.

Bishii April waxaa kaloo Al-Shabaab ay weerar ku qaaday xarunta maxkamadda gobalka Banaadir, rag hubeysan ayaa halkaas dhowr qof ku dilay.

Bishii June waxaa magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, kaddib markii u baxsday magaalada Cadaado, Sheekha ayaa markii laga soo dajiyay diyaarada uu la socday waxaa la wareegtay hey’adda nabad sugida oo ilaa hadda xabsi ku heysa.

Isla bishan June Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta ugu weyn QM ee Muqdisho, waxaana ay ku dishay dhowr iyo labaatan qof oo ay ku jiraan afar ajaaniib ah.

Bishii September waxaa deegan ku dhow gobalka Gedo lagu dilay Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa ajaaniibta ugu sarsare ee Al-Shabaab.

Bishii Octobar waxaa magaalada Beledweyna ka dhacay qarax uu geestay qof watay baabuur walxaha qaraxa ay ka buuxeen wuxuu halkaas ku dilay 33-ruux oo ay ku jiraan askarta dowladda.

Isla bishaas, waxaa deegan ku dhow Jubbooyinka lagu dilay labo sar kaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

2-December  ee sannadkan waxaa baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala noqday ra’iisal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Isla 12-kii bishan waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu ra’iisal wasaaraha cusub u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo ah dhaqaalayahan.

Dhacdooyinkii Sanadkan Ka Dhacay Somaliland

 

Soomaalland waxaa sannadkan ka dhacday dhacdooyin muhiim ah oo xusuusin mudan, waxaa ka mid ah wada-hadalladii ay la gashay dowladda Soomaaliya oo ay garwadeenka ka ahayd dowladda Turkiga.

Isku dhaca booliska iyo saxaafadda oo aad u kordhay sida ay lee yihiin ururka suxufiyiinta Somaliland.

Iyo guddiga doorashooyinka oo sheegay in qaabka loo codaynaayo ay noqon doono Electronic.

 

Sidoo kale sanadkan galbanaya waxa Somaliland lagu xasuusan doonaa is qabqabsi badan oo ciidanka ammaanka iyo saxaafadda Madaxa Bannaan Dhex maray, iyadoo Hay’ado warbaahineed albaabada la iskugu dhuftay.

 

 

Dhacdooyinkii Sanadkan ee Puntland

 

 

Bishii Julay waxaa magaalada Garoowe lagu dilay Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada sida weyn looga yaqaano Somalia gaar ahaan Puntland, waxaa dilay labo dhallinyaro ah, iyagana waa la toogtay.

Bishii August waxa ay Puntland ku dhawaaqday in ay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeesay in ay wax badan ka badashay dastuurka qabyada.

Bishii November deeganno hoos-taga Puntland waxaa ku dhufatay duufano dabeylo iyo roobab wata, taasoo dad badan iyo xoolo meertay.

 

Sanadkani wali ma uu dhammaan waxana dhici karta in la diiwaangeliyo dhacdyooyin ka waaweyn kuwan aynu hore u soo sheegnay maalmaha yar ee ka hadhay.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed