Dhacdo Xanuun Badan oo ka dhacday Dalka Faransiiska.
Paris:10-Aug-2013(SDN)Sida laga soo xigtay Wargeys ka soo baxa Dalkaasi Faransiiska, ayaa waxa uu daabacay Dhacdo la yaab leh kadib markii Qoys dalkaasi u dhashay ay muddo Saddex bilood ah haysteen Gabadh meyd ah.
Aabaha Qoyskaasi ayaa waxaa lagu soo waramaaya inay ka dhimatay Hooyadii Carruurtaasi u dhashay oo la sheegay inuu aad u jeclaa, waxa uuna Jaceylkoodu sababay in geerida Haweyneydaasi kadib uu Hoygiisa ku qarsaday Meydka Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Bita Danyeil.
Haweeneyda Aabahaasi ka geeriyootay, ayaa waxaa la sheegayaa inay qabtay Wadna xanuun, waxaana hore qalliin loogu sameeyay Saddex Goor oo kala dambeeyey, hayeeshee markii ay xanuunkaasi u geeriyootay, ayaa waxaa meydkeeda qarsaday Aabihii iyada qabay oo magaciisa lagu sheegay John.
Muddo kadib ayaa waxaa si xooli ah lootabay Bita Danyeil, waxaana laga warhelay iyada oo dhex jiifto Kabadh qolka Jiifka yaallay, xilli uu furay mid kamid ah Wiilasha uu dhalay John.
Ugu dambeyntii, John oo ahaa ninkii qabay Bita Danyeil, ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi dhan Sanad iyo badh kadib markii lagu eedeeyay inuu cadow ku noqday Caafimaadka Deegaankaasi iyo isaga oo looga shakiyay inuu ka dambeeyay dilka Bita Danyeil.
Somalidiasporanews.com