|

Dhacdo Ugub Ah: Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Weerar Ku Qaaday Dugsi Waxbarasho Isaga Oo Wata Rag Hubaysan Kadibna Qafaashay Maamulihii Dugsiga Iyo Argagixii Ardayda

Berbera 19.June 2016 (SDN/QJ):- Dhacdo Ugub ku ah qaranka Somaliland shacabkii maqlayna aad ula yaabban yihiin ayuu ku kacay wasiir xukuumadda Somaliland ka tirsani kadib markii uu weerar ku qaaday Dugsi waxbarasho isaga oo wata ciidan hubaysan kadibna xadhig kula kacay maamulkii dugsigaasi arrinkaasi oo noqday midka loogu hadal hayn badnaa maalmihii ugu dambeeyey. Arrinkan ayaa ka dhacay Dugsii waxbarasho oo ku yaalla Caasimadda Hargeysa oo ah kuwa gaarka loo leeyahay, kaasi oo lagu magacaabo ELM SCHOOLS kadib markii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Xasan Daahir Dhimbiil oo wata koox qoryaha boobayaasha ah ku hubaysan ay weerar ku qaadeen 11-kii bishan June 2016 dugsigaasi.

images (2)Wakhtiga wasiirka oo wata askar hubaysani weerarka ku qaaday dugsigaasi waxa uu maamulka iskuulku ku mashquulsanaa imtixaankii u dambeeyey ee sannad dugsiyeedka. Haddaba, dhacdadan ugubka ku ah dalka ee aan hore uga dhicin dhowr iyo labaatankii sanno ee qarankani jirey balse lamid ah hab-dhaqankii iyo kibirkii nidaamkii dulmiga ku dhisnaa ee taliskii Afweyne uu ku hayn jirey Shacabka Somaliland, ayaa Wariye Madax bannaan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Askar waxa uu waraysi la yeeshay Maamulaha dugsiga falkan waxashnimada ahi ka dhacay mudane Jibriil Axmed, waxaanu
Maamuluhu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Sida lala socdo waxaa xidhmaya sannad dugsiyeedkii 2015/2016 markaa imtixaanku intaanu bilaabin sida caadiga ah waxa la bixiyaa lacagta yare e Fee-ga ah ee dugsiga, sida caadiga ahna cidda keeni weydana wargalin ayaanu u samaynaa illaa imtixaanku inta uu socdana waanu ku celcelinaa maadaama oo fasax laba bilood ah la galaayo. Iyada oo ay sidaas nidaamka iskuulkayagu ama guud ahaanba iskuulada gaarka loo leeyahayba yahay ayaa Wasiir Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil oo caruur uu dhalay u dhigtaan iskuulka ayaa ku guul-daraystay bixintii lacagtii (fee) wargalin badana waanu u samaynay balse dheg nooma dhigin kadib sida uu dhigayo qorshaha iskuul ahaan nooyaala maalmihii u dambeeyey imtixaanka ayaanu caruurtiisii ka joojinay inay galaan.
Kadib Bishan Juun 11-keedii goor cabaaro 10:15 ah ayuu Wasiirku telefoon igula soo hadlay isaga oo hadalo fool xun iyo cay isku kay raaciyey oo aan mar kaliya aamusayn kadib telefoonkii ayaan iska dhigay, toban daqiiqo kadibna annaga oo ku mashquulsan ardaydii oo imtixaankii u socdo ayaa isaga oo wata koox hubaysan ay noogu soo daateen Dugsigii oo keebabkana haya boobayaashii ay wateen kana shan-qadhinaya isaga oo wasiirkuna ku dhawaaqaya caruurtaydii ayay ka joojiyeen imtixaankii miyeyna i garanayn waxaan ahay! iyo inaan wasiir ahay miyeyna igaranayn!”.
Maamulaha Dugsiga ELM SCHOOLS (Ex Young Muslim Academy) Mudane Jibriil ee falkan layaabka leh ka warramayaa waxa uu intaasi ku daray in kooxdii hubaysnayd ee qoryaha boobayaasha ah la soo galay goobta waxbarasho ee wakhtigaasi imtixaanku ka socday ay khalkhal iyo sas galiyeen Ardaydii imtixaanka ku jirtay oo qaarkood aad u yaryaraayeen kuwaasi oo argagax ka qaaday hanjabaadda iyo qoryaha ay kooxdaasi sidatay. Isaga oo haddaba Maamule Jibriil wixii intaa ka dambeeyey ee dhacay ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Wasiirku waxa uu amar ku siiyey kooxdii hubaysnayd ee uu watay inay gaadhiga igu ridaan waxayna toos ii geeyeen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkaas oo la igu xidhay oo aan maalin dhan ku xidhnaa”.
Sidii loo soo daayey markii dambe oo Wariye Cabdirisaaq Askar wax ka waydiiyey Maamule Jibriil waxa uu ku jawaabay: “Guddida Iskuulka ayaa hawlgashay waxayna u tageen wasiirka Waxbarashada markii ay u sheegeen dhacdadan layaabka leh ee dhacdayna waxa uu warqad usoo qoray taliyaha saldhiga in la I siidaayo.
Nasiib darro taliyihii ma aqbalin dalabkii wasiirka oo wuxuu yidhi wasiir xigeenka uun baan ku sii dayn karaa amarkiisa (iyana waa dhacdo kale oo ugub ah) oo layaab leh, Arintii waxay gaadhay illaa Taliyaha Booliska Somaliland Mudane Cabdilaahi Fadal waxayna wasiirka iyo taliyuhu waydiiyeen wasiir xigeenka dhibta uu gaystay Maamulaha ELM Schools ee uu u xidhay, waxaanu ku jawaabay wasiir xigeenkii Caruur aan dhalay ayuu imtixaankii ka joojiyey sidaasan ku xidhay ee hadda iska soo daayo 5:30 galabnimo ayaanan jeelkii la igu xidhay kasoo baxay”.
Falkan waxashnimada ah ayaa waxa uu fajiciso ku noqday shacabka reer Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyey hadal hayay iyaga oo si weyn u cambaaraynayay awood sheegashada xubnaha xukuumadda qaar ka mid ah oo gaadhay heer ay sidan u dhaqmaan.

Comments are closed