|

Dhacdo Naxdin Leh: Waddanka Yemen Iyo Hablo Soomaaliyeed oo Nolosho ku qasabtey inay Jidhkooda ka Ganacsadaan

Yemen 5. February,2016(SDN/QJ):– Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa baahisay Sawirro laga qaaday Hablo Soomaali ah oo ku Nool Dalka Yemen, gaar ahaan Magaalada Dekedda ah Basateen oo ku taalla Koonfurta Dalka Yemen, kuwaasi oo Wakaaladdu sheegtay in Xaaladda Nololeed ee ay ku jiraan ku qasab tahay inay Jidhkooda ka Ganacsadaan.

Somali prostitutes gather in slum house in al-Basateen neighbourhood of the southern Yemeni port city of AdenHablahan oo ka mid ah Dad badan oo Soomaali ah oo Dalka Yemen u tagay inay ka shaqeystaan, ayaa markii Dambe Noloshu ku adkaatay isla-markaana ku qasbanaaday inay Jidhkooda ku ganacsadaan si ay u Noolaadaan.

 

Hablahan oo ku nool Xaafad isku raran ah oo ka tirsan Magaalada Dekedda ah ee Basateen, ayaa qaarkood intii ay Yemen ku sugnaayeen yeeshay Balwado ay ka mid tahay Cabbidda Shiishadda iyo Sigaarka, taasi oo Wakaaladdu sheegayso inay ka mid tahay waxyaabaha Noloshu adag ku kallifeyso.

Reuters oo soo xiganaysa UNHCR, ayaa sheegtay in Dagaalka ka hor Yemen ay ku noolaayeen 171,000 oo Qoxooti u badan Soomaali, laakiin, 140,300 ka mid ahi halkaas gaadheen dabayaaqadii Sannadkii hore, iyaga oo doonaya inay uga sii gudbaan Dalalka kale ee Khaliijka.

Xigasho: Reuters.com

Comments are closed