|

Dhacdo Naxdin leh: Nin Soomaali ah oo Khaarajiyey Xaaskiisii Hore oo ay Kala Tageen & Isagii oo Markii Danbe Is Dilay Maxaa sababay?

Pretoria 02. January 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Pretoria ee caasimada wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay ka dhacay dhacdo naxdin leh ka dib markii nin ka mid ah Soomaalida halkaas degan uu dilay xaas uu horey u furay, ka dibna isagii isdilay.

Dhacdadan ayaa argagax iyo yaab ku abuurtay Soomaalida iyo dadyowga kale ee halkaas ku dhaqan.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo arrimo la xiriira Hinaase ama Maseyr ka dib markii ninka wax dilay uu ogaaday in xaaskiisii hore ay xiriir Jaceyl la sameysatay nin kale oo isaga ay meel ka wada shaqeeyaan, iyagoo qorsheynayey iney isguursadaan.

Balse ninkan ayaa ka carooday talaabada ay xaaskiisii hore xiriirka Jaceyl kula sameysatay nin saaxiibkii ah, waxayna arintaas ku xambaartay inuu nolosha dhaafiyo, isagiina isdilo.

Guddoomiye Ku-xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee K/Afrika C/llaahi Shiikh Mahdi (Timacadde) ayaa sheegay in wiilkan iyo gabadhan geeriyooday oo magacyadooda uu ku soo kala gaabiyey Xasan iyo Deeqa ay isku dhaleen gabar yar oo labo sano jir ah, ayna kala tageen muddo hadda laga joogo hal sano.

Qofku inuu wax dilo isagana isdilo ayaa ah mid ku cusub ama naadir ku ah dhaqanka umadda Soomaaliyeed, iyadoo falalka noocan ah ay can ka yihiin dalalka reer galbeedka.

Comments are closed