|

Dhacdo Naxdin Badan Haweenay Gaajo Ugu Dhimatay Deegaanka G.Saraar Oo Biyo Lagu Maydho La Waayey DAAWO

Caynaba 16. April 2017 (SDN/QJ):- Deegaanka Higlo oo ka tirsan gobolka Saraar ayaa waxa laga soo sheegayaa qofkii Labaad uu gaajo iyo haraad darteed maanta ugu geeriyooday deegaanka Higlo oo ka tirsan gobolka Saraar.

Waxana qofkan geeriyoday u yahay gabadh taas oo lagu magacaabo Hodan YaasiinTooxyare taas oo sida la sheegay ay lasoo daristay xaalad biyo la’aaneed kana mid ahayn dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaana maydka gabadhani uu yaala deegaanka Higlo iyada oo ilaa hadda la la yahay Biyo lagu maydho maydka marxuumada geeriyooday.

Deegaankan Higlo ayaa waxa ka jirta xaalad abaareed oo adag taas ay bulshada deegaankaas oo u badan kuwo ay soo barakicisay abaartu ay lasoo daristay xaalad Biyo La’aaneed,waxaana ay gabadhan deegaanka Higlo ku geeriyootay ay noqonaysaa qofkii labaad ee todobaad gudaheed haraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday deegaanka.

Waxaana guddiga abaaraha heer qaran ay ku fashilmeen in ay gurmad deg deg ah gaadhsiiyaan deegaanada ay abaarta adagi ka jirto ee gobolada bariga Somaliland kuwaas oo ay hadda ka bilaabmatay dhimashada dadku,waxaana guddigu ay ku noqdeen kuwo dhex mushaaxa gudaha caasimada hargeysa.

Comments are closed