DHACDO MURUGO LEH:Gabadh haddii ay bil kasta waydo 2-litir oo Dhiigga bini Aadamka ah Halis u ah inay Dhimato
Washintgon: 28-july-2013 (SDN)Gabadhan oo u dhalatay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Julia Caples, ayaa bil kasta cabta 2 liitar oo ah dhiiga bini aadamka.
Gabadhan ayaa ku faraxsan in ay cabto dhiigaas bini aadamka bishiiba mar, iyadoo dhiig-cabista Gabadhani ku dhaqaaqdaa aanay ka ahan jaceyl balsa waa mid xaaladeeda caafimaad wax looga qabanayo.
Julia Caples ayaa sheegtay in ay marka ay cabayso dhiigga bini aadamka ay dareemeeyo in ay yeelaneyso tamar iyo caafimaad buuxa, waxana warbixinteeda oo soo jiidatay indhaha caalamka lagu daabacay websisteka Huffington Post.
Julia Caples ayaa bilawday dhiig cabista markii ay da’deedu aheed 15 sano, gabadhan ayaa dareemi jirtay xiligaas oon ama harraad kadib ayaa waxay ka codsan jirtay wiilkii ayy isku cindanaan jireen in ay qaniinto si ay uga hesho dhiig.
Julia Caples oo ah hadda mid 45 sano jir ayaa sheegtay in dhiiga ay aad u jeceshahay dhadhankiisa, waxana lagu quudiyaaa 2 liitar oo dhiig bil kasta.
Dadka ayaa ugu deeqa Julia Caples dhiig bilaash ah, sidoo kale gabadhaan jecel in ay cabto dhiigga bini aadamka ayaa heshay ballan qaadyo badan oo dhanka internetka ah.
Julia Caples ayaa sheegtay in ay aad u dooneyso in ay la kulanto dadkaas balan qaadka sameeyay ee doonaya in ay ugu deeqaan dhiiga.
Dadka ugu deeqaya dhiiga Julia Caples ayaa la marsiin doonaa baadhitaan caafimaad iyaga oo laga baadhi doono cudurada sida AIDS ama HIV.
Julia Caples kama haysato ogolaasho dhanka dhaqaatiirta ah waxayna aaminsantahay in cabista dhiiga uu yahay mid ka dhigaya iyada qof caafimaad qaba oo aad u dhalinyaro ah.
Somalidiasporanews.com