Dhacdo la Yaab Leh Oo Shalay Qabsatay Wariyayaal Shaqo u Tegay Garoonka Aadan Cadde iyo Ciidamo Maraykan ah Oo Haddidaad Geystay
Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Sirdoon ka tirsan kuwa maraykanka ayaa si xun ugu tacadiyey wariyayaasha soomaaliyeed eek a hawl gala magaalada muqdisho, iyadoo tallaabadaasna ay dusha ka daawanaysay xukuumadda somalidu.
Shalay oo ay garoonka Aadan cadde ka soo degayeen wafti sare oo ka socda wadama yurub iyo Maraykanka, ayey saxaafadda madaxa Bannaan ee soomaaliya u hollatay inay warka waftigaas u soo gudbiyaan bulshoweynta ka sugaysa wararka, balse waxa ku dhacday arrin af kala qaad ku noqotay warfidiyeenadii halkaas shalay tegay.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah wariyayaashii halkaas joogay waxa guud ahaan amniga garoonka shalay la wareegay ciidamo sirdoon ah oo ka socday dawladda maraykanka, kuwaas oo watay Ey xoog badan oo ay diyaarado ku siteen, kuwaas oo wariyayaasha soomaaliyeed si weyn ugu hadiday shaqo maalmoodkoodii, islamarkaana u sheegay inay u diyaar garoobaan in agabkooda y eydu baadho.
Wariyayaasha oo markii hore la mariyey nidaamkii caadiga ahaa garoonka dadka imanaya loo baadhi jirey, isla-markaana si weyn loogu baadhay qalabka garoonka yaalla ee wax lagu baadho, ayaa iyagu iska diiday in jidhkooda iyo agabkoodaba ey lagu baadho, maadaama oo ay dad muslim ah yihiin, waxana ay taasi keenay in wariyayaashii shaqadoodii laga hor isgtaago oo loo diido inay garoonka galaa.
“Annagu dad muslim ah baanu nahay oo diin ahaan iyo dhaqan ahaan ma yeelayno in Ey Jidhkayaga iyo Agabkayaga Baadho.” Ayuu noo sheegay wariye Maxamed jaamac cali oo ka mid ahaa kooxdii wariyayaasha ahayd ee halkaas lagu tahdiidiyey, balse geesinimada muujiyey.
Dhacdadan ayaa noqotay mid guud ahaanba shacabka soomaaliyeed si weyn uga sheekeeyeen, isla-markaana ay cambaareeyaan, waxana haatan la sheegayaa inay xukuumadda lafteedu si weyn uga xumaatay dhacdadaas inkastoo markii wariyayaasha sidaas lagu samaynayey qaar badan oo xukuumaddda ka tirsani ay goob joog ahaayeen, balse aanay wax fal-celin ah muujinin.
S.D.N