Dhacdo Cajiib ah Somaliland Gudaheeda oo Lagaga Dhawaaqay Dawlada Islaamiga ah Isla markaana Dumarka Jinka lagaga Saaro DAAWO
Hargaysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Deegaanka Magaalo Cad oo u dhexeeya Magaalooyinka Gebilay iyo Boorama ayaa Koox Isugu Yeedhay Dawlada Islaamku waxay ka furteen Xarun Suuq Fiican ka heshay Bulshada Dabiibka Caafimaad doonaysa.
Waxaa Goobtaasi la geeyaa dad aad u tiro badan waxayna sheegaan inay ku samaynayaan Hawl gal kasta oo dhinaca qalliinada dadweynaha ah waxaa la yaab leh Khalqiga maalin kasta deegaankaasi taga .
Xukuumadda Somaliland iyo Laamaha amaanka ayaan ka hadla arrintan Halka Cullimada waaweyn ee Hargaysa ay si Is daba Jooga ah u sheegayaan Khataraha bulshada la soo dersay iyagoo cadeeyay in arrintani ay Khilaafsan tahay Shareecada islaamka maadaama sida ay Culimadu sheegtay ay Kooxdani adeegsanayaan Jinka