|

Dhacdo Cajiib ah: Qoraal lagu Baahiyey Bar-kulanka Internet-ka Ee ‘Facebook’ Oo Argegax-geliyey Dawladda Israel!!!

Israel 27. October 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta maxaliga ah ee Israel ayaa ku warrantay in Boolisku toddobaadkii hore xidheen nin Falastiini ah, ka dib markii qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook oo ahaa “Subax wanaagsan” oo Af-Carabi ah, aaladda Awtumaatigga ah ee Facebook ay si khaldan ugu turjuntay kalmad ah “weerara” oo Af-Cibri ah.

Boolisku way xaqiijiyeen in nin dhismaha ka shaqeeya muddo kooban ay hayeen markii ay ka shikiyeen inuu colaad kicinayo, laakiin markii dambe ee khaladka la ogaaday si deg-deg ah loo sii daayey.

Qoraalka uu Facebook-ga ku qoray ee Tarrjumaaddiisu khaldantay waxa la socday Sawir muujinaya cagaf-cagaf kuwa dhismaha ah oo taagan Daanta Galbeed ee Dhulka Falastiiniyiinta.

Cagaf-cagafyada noocaas ahna waxa marar hore loo adeegsaday weerarro lagu qaaday Israel.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in ay xaraf keliya ay ku kala duwan yihiin weedha “Subax wanaagsan” ee Af-Carabiga suuqdiga ah iyo kalmadda “weerarra” ee Af-Cibriga ee Dadka Yuhuuddu ku hadlaan.

Waxa kale oo wararku tibaaxeen in aan Askarta Af-Carabiga taqaan midkoodna la tashan intaan Ninkaa la xidhin, waxaana soo qabtay Askar ku go’aan qaatay aaladda Awtumaatigga ah ee Tarrjumaadda Facebook.

Qoraalkaa muranka dhaliyey markii dambe waa laga masaxay Facebook-ga.

Waxa kale oo hore u dhacday in aaladda Awtumaatigga ah ee Tarjumidda shirkadda Google ay ku sheegtay dalka Ruushka ‘Mordor’ oo ah eray aan looba fadhiyin. Kaas oo ah magaca gobol ka mid ah dhul male-awaal ah oo ku jiray buugaagta sheeko xariirrada ah ee Qoraaga Magaciisu yahay Lord of the Rings.

Laakiin, waxa ka sii darnaa oo aaladdaa Tarjumaadda ku samaysa Adeegga Internet-ka ee Google ku sheegtay dadka Ruushka ah “Gumeystayaal”.

Comments are closed