Dhacdo Cajiib ah oo Masar Ka Dhacday Isla Markaana Sababtay in Ciid Uskag Ah Loo Kala Iibsado Si Looga Barakaysto !
Qaahira 09. May 2017 (SDN/QJ):- Dadka ku nool magaalada la yidhaa Al-caashir Min Ramadaan ee ku taalla Waqooyiga Dalka Masar ayaa iibasada ciid ur udgoon leh oo laga helay xaafad ka mid ah xaafadaha Magaaladaasi, waxaanay sheegeen dadka iibsaday ciiddaasi inay leedahay Urta Cambarka iyo Miskiga.
Goobta laga helay Ciiddan ayaa waxa tagay dad aad u tira badan oo aaminay in loo adeegsan karo arrimo la xidhiidha dhinaca caafimaadka, maadaama oo ay tahay ciid aad u udgoon halka ay dad kalena ku sheegeen inay tahay ciid barakaysan oo ay habboon tahay in la keydsado, balse arrintaasi waxay noqotay waxba kama jiraan, kadib markii ay ogaatay Xukuumadu, madaxda Magaaladaasi ayaa isla markiiba waxay qaadeen tallaabo ay ku ogaanayaan xaqiiqada ka danbaysa urtan udgoon ee ciidaasi leedahay, taasi oo markii la baadhay la xaqiijiyay in Wershad soo saarta Saabuunta oo ku taalla meel u dhaw goobtaasi ay ku daadiso hadhaaga Qashinkeeda, arrintaasina waxay keentay in ciidaasi yeelato urta udgoon.
Taliye ku xigeen Ciidanka sirdoonka Magaaladaasi oo la yidhaa Ahmed Abdil-mawlaa oo ka hadlay ayaa yidhi “Qashinka ay soo tuurto Wershadaasi waxa ku jira caddaro iyo saliido loo adeegsado samaynta saabuunta, waana sababta keentay in ciiddaasi noqoto mid udgoon, waxaana madaxda wershadaasi lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”.
Arrintan oo dad aad u tiro badan lagaga qaaday lacago ayaa markii danbe la cadeeyay xaqiiqadeeda waxa goobtii ka hulleelay dad badan oo doonayey inay iibsadaan.