|

Dhacdada Wasiirkii Dhirbaaxay Boqorkiin Itoobiya … Kumuu Ayuu Ahaa?

ducaaleTaariikh la soo maray Axmed Yuusuf Ducaale oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibeda ee Somalia 1964-kii, isla markaana Somaliland ka soo jeeday, ayaa Shirkii Midowga Afrika oo wakhtigaas ka socda Addis Ababa ku dhex dhirbaaxay Boqorkii Wakhtigaas ee Itoobiya Xayle Salaase……….Qisada ila Wadaaga Asxaabtaducaale

Boqorkii hore ee Dalka Ethiopia Xayle Salaase oo intii uusan Geeriyoon ku Calaa-caley inuusan weligii Iloobeyn Dharbaaxo uu ku dhuftey Nin Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya kasoo noqdey. ( Fadlan Walaal Aqri )

Nin wasiirka arrimaha dibada ka soo noqdey soomaliya xiligii dawladii kacaanka ka hor gaar ahaan sanadihii 1964–1967 magaciisana la yiraahdo Axmed Yuusuf Ducaale ayaa waxaa dhacdey sanadihii lixdameeyadii iyada oo uu socdey shirkii OAU oo ay ku kulansanyahiin wasiirada arimaha dibada iyo madaxweyneyaasha khaarada afrika ayaa waxa uu dharbaaxay Boqorkii xiliyadaas ka talin jirey Ethiopia Xayle Salaase iyadoo goobta uu shirka ka dhacayo ay tahay magaalada Addis ababa caasimada dalka Ethiopia. sababta keentey in wasiirkii arimaha dibada ee soomaaliya uu u dharbaaxo Boqorka Ethiopia Xayle Salaase waxey aheyd ka dib markii uu yiri dhulka somaali galbeed waa qeyb ka mid ah dhulka Ethiopia soomaliyana kama hadli karto mana sheegan karto.

Wasiir axmed yuusuf ducaale isaga oo u jawaabaya boqor xayle salaase ayaa waxuu yiri arrinta soomaliya iyo dhulkeeda kama hadli kartid waayo soomaaliya waa qaran jira oo calan bay leedahay waxayna ka tirsantahay jimciyada quruumaha ka dhexaysa.

Waxaa hadaba dhacdey intii uusan geeriyoon boqor xayle salaase wareysi laga qaaday ayaa waxa uu ku sheegey sidan: waligay ma iloobayo wiil yar oo wasiirka arimaha dibada u ahaa soomaaliya sida uu ii dharbaaxay sidoo kalena ma iloobi karo isaguna nin ka tirsanaa ciidamada xooga dalka soomaaliyeed lana yiraahdo Gaashaanle Sare Cilmi Nuur Tareey oo dagaalkii dhex marey soomaliya iyo Ethiopia oo dhacey sanadkii 1964tii in uu hal habeen isaga iyo ciidan uu wato ay magaalada Feer- Feer ku dileen 250 askri oo u dhashey dalka Ethiopia marka labadaas nin aniga oo aan ka aarsan inaan xukunka ka tago waan ka xumahay.

Xigasho: Cabdikariin Jiirow.

Comments are closed