|

Dhab Hadalka Dr Gaboose oo Dhamac ku Noqtay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa August 06,2012(SDN)-Guddoomiyaha Ururka Ummada Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa hadal dhawaan uu ku cabiray arigtidiisa ku wejahan habdhaqanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan doorashooyinka Golleyaasha degaanka dalkayo damaciisa kororsi ee xilka ayaa noqdey qaar uu ka gami la’ayahay madaxweynuhu ilaa haada.

Isku deyo dhawr ah oo doc ka yeer u badnaa oo ka soo yeeray ku xeerenayaasha iyo dabo gucleyeyaasha igman ayaan ilaa iyo haatan falaadha ka goyn madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ah siyaasi rug cadaa ah isla markaana madaxweyne Siilaanyo ogyahay kaalintii uu doorashadiisa ku lahaa ayaa dhaliil miisaman oo uu ku cabirayoqorshaha madaxweynaha ee ku wejahan dib u doorashadiisa ku soo bandhigay shirkiisii jaraaid.

Halkan booqo oo ka bogo qoraalka Dr Gaboose

http://www.qurbejoog.com/2012/08/04/mudane-madaxweyne-maaha-in-komishanka-qaranku-dhibane-u-noqdo-oo-ku-dhexwareego-xafiisyada-nairobi-madaxtooyada-iyo-kuwa-golayaasha-qaranka/

Dr Gaboose waxa uu is barbar dhigayaa muhiimada ay madaxweynaha u kala lee yihiin doorashooyinka dalka iyo kulamada Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu sawir ka bixinayaa dhibaatooyinka ay dimuqraadiyada u leeyihiin masuuliyiinta aan heysan kalsoonida shacabkooda.

Ugu danbeyntiina waxa uu is barbar dhigayaa Madaxweyne Amed Siilaanyo iyo Daahir Riyaale Kaahin oo uu Dr Gaboose leeyahay kalsooni darada iyo mudo kororsiga waa isaga mid.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed