Dhaawac Soo Gaadhay Wiil Soomaaliyeed Oo Arday ka Ahaa Jaamacadda AL-Azhar Ee Dalka Masar
Cairo:10-Dec-2013(SDN)-Wiil Soomaaliyeed Oo Wax ka barta Jaamacadda AL-Azhar ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Mudaharaadadda ka socda Waddanka Masar ee ay Ardaydu wadaan.
Wiilka dhaawacmay oo lagu magacaabo Cilmi Xaaji Daahir, ayaa ku dhaawacmay rabshado Jaamacadda Azhar ka dhacday oo u dhexeysay ardayda iyo ciidanka booliska, halkaas oo ciidanka ammaankuna ardaydaas kala hor tegay Rasaas Nool Nool.
Wiilka Soomaaliga ayaa loo qaaday Isbitaal Qaahira ku yaalla halkaasoo lagu daweynayo, walina lama soo sheegin wax soomaali ah oo halkaas ugu tagtay ama masuuliyiin ka tirsan safaaradda oo Booqday.
Dhaawaca soo gaadhay wiilka Soomaaliga, waxaa ka cadhooday arday badan oo Soomaali ah oo wax ka barta Jamacadda Al-Azhar, waxaana ay sheegeen in ay ka walwal san yihiin in ay dhibaato ka soo gaadho rabshadaha ka socda magaalada Qaahira.
Ma aha kaliya Ardayda soomaalida ah cidda mudaharaadada ciidanka lagaga soo horjeeda wax ku noqonaysaa, balse dhammaan ardayda ka soo jeeda dalalka islaamku waxay ay qayb ka yihiin Dhaawacyada iyo dhimashada ay ciidanku ku hayaan da’yarta wax baranaysa.
S.D.N.