Dhaawac Iyo Dhimasho Ka Dhalatay iska hor imaad Ka Dhacay Magaalada Hargeysa.
Hargaysa 02.June 2015 (SDN/QJ)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday iska hor imaad ka dhacay magaalada Hargeysa, iska hor imaadkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khilaaf dhul ku yaala Buurta Singasiingaha ee agagaarka Madaarka Magaalada Hargeysa.
Warka waxa uu intaasi ku darayaa in dadka Khasaaraha gaystay uu ka Mid ahaa askari ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, iyadoo ciidamada Ammaanku ay guriga gudoomiyaha kala baxeen askarigii ilaalada u ahaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Iska hor imaadkaas waxaa ku naf waayay Alle ha u naxariistee Cabdi Cismaan Cali oo ku Magac dheeraa Cabdi Naano oo ka mid ahaa Halgamayaashii Ururkii SNM.