Dgaal beeleed ka qarxay Gobolka Mudug
Muqdisho (qj) – Dagaal qaraar oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa saaka ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano ay horay ugu dagaalameen maleeshiyaadkii dagaalamay.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa saaka aroortii ka qarxay deegaan lagu magacaabo Jiicboor, waxaana uu hadda ku sii fidayaa deegaano hor leh oo dhaca galbeedka gobolka Mudug.
Dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana goobihii lagu dagaalamay soo gaaraya gurmadyo labada dhinac ah.
Khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalka ka dhacay galbeedka gobolka Mudug. Dadka dhaawacmay ayaa loo kala qaadayaa Gaalkacyo iyo Galdogob.
Dagaalkan u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa marar badan ku soo noq noqday deegaanka, iyadoo dhowr jeer oo hore heshiisyo nabadeed lagu guul dareystay in laga hortago dagaalada soo noq noqday ee u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka wada dega deegaanada lagu dagaalamay.