|

DFKMG ah oo dalbaneysa in gacanta loo geliyo Baasabooro iyo Waraaqo Aqoonsi oo Kenya ay qabatay

Nairobi May21,2012(SDN)-Dawlada DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa dalbaneysa in gacanta loo soo geliyo Baasabooro iyo waraaqo aqoonsi oo Kenya ay ku qabatay nin ganacsade ah oo Kenyan ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Amerika oo goobjoog ku ahaa Maxkamada ninka reer Kenya ee lagu qabtay Documentska ayaa dalabkaa jeediyay.

“Ninkan waxa uu sitay documenti Soomaaliyeed oo uu si khaladan uga ganacsanayay,waana in gacanta naloo soo geliyaa”ayuu yidhi safiirku.

Sanjivan Sunilkumar oo ah ninka lagu qabtay Documentska iyo weliba qalab lagu daabaco waraaqaha aqoonsi ayaa sheegay in hawshan ay u igmatay dawlada FKMG ah ee Soomaaliya.

Dawlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa iska fogeysay ninkaa iyo qalabka uu siday.

Maxakamada ayaa hakad gashay haatan lagana yaabaa in dib loo furo dhawr bilood ka dib.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed