|

Derbiga ka soo horjeeda Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo lagu qoray Farriin Madaxwaynaha lagaga codsaday inuu Cafis u fidiyo Maxaabiista

Hargeysa, 4 January, 2016-(SDN/QJ) – Derbiga ka soo horjeeda Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qorey Farriin si toos ah loogu dirayo Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Farriintan oo lagu qorey Gidaarka ka soo horjeeda Jeelka ee Laamida uga tallowsan dhanka Koonfureed, waxa Madaxweynaha lagaga codsaday inuu Cafis u fidiyo Maxaabiista.

Qoraalka codsiga ah oo aan jeel gaar ah iyo Maxbuus gaar ah lagu xusin isla-markaana lagu soo beegay Dhalashada Sannadka cusub ee 2016-ka, ayaa u qornayd “Cafis u fidi Madaxwayne Maxaabiista.”

Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo oo la kulmay qoraalkan lagu Xardhay Gidaarka ka soo horjeeda Xabsiga dhexe ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan kulmin cidda qortay, laakiin, farriinta noocan ah ku cusub rayul-caamka Somaliland, ayaa Madaxwaynaha lagu xasuusiyey cafiskii uu u samayn jiray Maxaabiista ku xukuman dambiyada yaryar.

Comments are closed