|

Delhi: Maxkamadda Sare ee Hindiya oo Go’aan Ka Gaadhay Xuquuqda Xogta Muwaaddiniinta Dalkaas

Delhi 25. August 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee Hindiya (India), ayaa xukuntay in Muwaaddiniinta dalkaasi yeeshaan Xuquuq aasaasi ah oo la xidhiidha Asturnaanta Xogtooda iyo Shaqsiyaddooda, Xukunkaas oo ah mid Taariikhi ah.

Xaakinnadu waxay xukeen in xaqa asturnaanta xogta iyo shaqsiyaddu uu qayb muhiim ah ka yahay qodobka 21-aad ee Dastuurka India oo ilaalinaya nolosha iyo xornimada Muwaaddiniinta Waddanka Hindiya.

 

Xukunka, ayaa saamayn ku yeelanaya barnaamijka xukuumadda ay dadka ku diiwaangaliso hanaanka kombiyuutarka, kaasoo daboolaya in qofku helo faa’iidooyin, xisaabaad bankiyo iyo bixinta canshuuraha.

 

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay walaac ka qabaan in xogta shaqsiga ah ay dhici karto in si khaldan loo isticmaalo. Maamulayaashu waxay doonayaan in diiwaangalintu ay ahaato mid khasab ah.

 

Xukunka ayaa meesha ka saaray laba xukun oo ka horreeyay oo maxkamad ay gaartay, kuwaasoo sheegaya in asturnaanta xogta iyo shaqsiyadda aysan ahayn xuquuq aasaasi ah.

 

Xeerbeegtida oo ka kooban 9 xaakim oo ah dhamaanba qaaddiyada maxkamadda sare ayey lagama maarmaan noqotay inay u fariistaan, waayo mid ka mid ah xukunnadii hore u dhacay ayaa waxaa gaaray xeerbeegti ka koobnayd 8 xaakim, 1954kii.

Comments are closed