|

“Dekedo ay Xaafado dhisanayaan wax jira maaha, Dadka wadaana waxay doonayaan….” Maareeyaha Dekedda Berbera

Berbera, 15. February 2016 (SDN/QJ):– Maareeyaha Dekedda Magaalada Berbera Cali Maxamed Cali (Xoor-Xoor), ayaa ka hadlay Shaqaado doraad Subax Deegaanka Ceel-gardi ee Duleedka Bari ee Magaalada Berbera ku dhex martay Dablay hubaysan oo diiddan Dhismaha Deked Macmal ah oo laga wado deegaanka Ceel-gardi iyo Dadka wada Dekeddaas.

Cali Xoor XoorMaareeyaha oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo isaga iyo Maamulka Gobolka Saaxil si wada jir ah arrinkaa ugaga hadleen, ayaa sheegay in Dadka wada Dhismaha Dekedda Ceel-gardi ay wadaan waxaan Qarannimada Somaliland u wanaagsanayn, laakiin, shaqaaqada Gacan ka hadalka ah ee halkaa ka dhacdayna tahay waxaan loo dul-qaadan karin.

 

Maareeyaha oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dadka waxaa ka shaqeynayaa waxay doonayaan waa wax Xun oo Shacabka, Dawladda iyo Qarannimada Somaliland midna aan anfacayn.”

 

Maareeyaha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Arrinka Gacan ka hadal ah ee meesha ka dhacayna wax la qaadan karayo maaha, wixii Nidaamka barbar mara ama ka hor-yimaadda Dawladnimada iyo hoggaanka Dawladda inoo dhisan tallaabo ayaa laga qaadayaa.” Ayuu yidhi, Maareeyaha Dekedda Berbera, waxaanu intaa ku daray, “Dekedo ay Xaafado dhisanayaan wax jira maaha, waayo? Waddanka Dawlad-baa ka jirta.”

Comments are closed