|

“Dekedii Berbera Waxa La Hor Dhigtay Isbaaro Sharci Daro Ah……” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa, 24 March 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Xildhibaanada golaha wakiilada, kana soo jeeda deegaanka gobolka saaxil, ayaa ka hadlay cashuuro uu ku tilmaamay sharci-daro oo lagu soo rogay baabuurta ka soo dega dekeda Berbera, isla markaana wuxuu sheegay in aanu shacabku u hoggaansami Karin waxaan soo marin Golaha Wakiilada, Balse ilihii dhaqaalaha ee dalka dhamaantood ay xukuumadani hor dhigatay isbarooyin sharci daro ah.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble“Waayadan danbe halkii ay xukuumadani dadkeeda uga nixi lahayd, xaaladan lagu jiro ee sixir bararka leh ee dhibaatada dhaqaalaha leh, hadana umadan wax naxariis ah oo xukuumadani u galaysay ma jirto,waxaanad ka war qabtaan magaalada Berbera in lala wareegay laydhkii iyada oon meel sharci ah loo marin,waxaanad ka war qabtaan in dekedii la qabsaday oo is baaro la dhigtay oo cashuur reedaha dadkii wax kala soo degi jiray lagu soo rogay.”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaanu hadalkiisii ku sii ladhay “Sharcigu waxa uu dhigayaa wixii takaaliif ah ee shacabka laga qaadayo in ay soo marto golaha wakiilada ayaa waajib ah,shacbigu lacag ma bixiyaan loomana jidayn karo, waxaan golaha wakiilada soo marin,hawshaa maanta la leeyahay lacag ayaa dadka laga qaadayaa aduunyadu way leedahay, laakiin maxaa yeelay? Sharci maaha oo golaha wakiilada may soo marin oo waa xaraan badheedh ah.Waxaan la yaabanay halkii umada wax la tari lahaa ee cashuuraha wax laga dhimmi lahaa dawladani imika dhabaha ay hayso anigu garan maayo,xukuumadanina waxaad moodaa inay bari ka tagayso oo buuxso doonayso,wadanku waxa uu u baahan yahay dawlada ka naxda shacabkuna dawlada ka naxda ayuu isna doonayaa oo waxa ay ku nool yihiin la socota.”

Sidoo kale, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay in shacabi waynaha Somaliland ka Gil-gishaan Godoonkan dhaqaale ee ay xukuumadu dalkii galisay “Imika maxay dawlada ku leedahay lacag 80kan Dollar ee dadkii laga qaadayo, wadeed ayaa loo maray xagee Lacagtaasi halkay ku dhacaysaa,Geerashkan Meesha laga dhex samaystay yaa leh,alaabta gaadhiga la galinayo halkaa laga keenay,wax badan ayay umadu u baahan tahay in laga qanciyo aniguna waan canbaaraynayaa isbaradaas cusub ee dikada la dhigtay.

Dhinaca kale xildhibaanku waxa uu ka jawaabay in qoyska Madaxtooyada degani la siiyay mashruucan lugna ku leeyihiin waxaana uu yidhi“Anigu Qoys iyo waxaas oo kalaa gali maayo, Laakiin cid kasta oo la siiyay waa xaraan,waana sharci daro hadaan umadii laga qancin oo aanay golaha wakiilada soo marin oon la sharciyayn oo jihadi saxda ahaa aanay soo marin,waxanina waxa uu yahay wax baal marsani sharcigii dalka, gole la soo mariyayna ma jirto,shacabiga reer Somaliland waxaan leeyahay ka gilgisha arinka wax Berbera oo kaliya khuseeya maaha,Waxaanan leeyahay wax kasta oo khaldan ka hadal.”

Comments are closed