|

Dekeddii Muqdisho oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay Turkiga

Muqdisho Aug 24,2015(SDN/QJ)-Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gacanta loogeliyay maamulka Dekedda magaalada Muqdisho.

Xaflada maamul wareejinta Dekedda ayaa waxa ku sugnaa wasiirka Dekkeddaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Macalim, madax ka socotay shirkada Albayrak iyo saraakiil ka socota Safaarada Turkiga.

“Dawlada Soomaaliya waxa ay si rasmi ah gacanta ugu gelineysaa maamulka Dekedda Muqdisho shirkada Albayrak, waxaan rajeyneynaa in dekeddu ay horu marto ayna gaarto heer caalemi ah” ayuu yiri wasiir Macalim.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in shaqaalaha dekedda ee haatan in ay hawshooda sii wadan doonaan.

Wasiirku waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo isla markaana ummadda Soomaaliyeedu sharaxo waxa laga yeelayo miisaaniyada baaxada leh ee dekedda ka soo bixi doonta.

Madaxa shirkada Albayrak Axmed Albayrak oo halkaa isna ka hadlay ayaa sheegay in uu rejeynayo in Dekedda Muqdisho kolka la casriyeeyo ee ay soo jiidato indhaha caalamka ay 55% dekhliga dekedda ku shubi doonaa khasnada qaranka Soomalaiyeed.

Wax faahfaahina oo intaa dhaafsiisan labada dhan uma soo bandhigin bulshada Soomaaliyeed ee dhegaha u taageysay heshiiskan.

Dekedda magaalada Muqdisho ayaa xrantay ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadii 1991kii.

Waxaana dib loo furay sanadii 2006dii ka dib kolkii ay magaalada Muqdisho la wareegeen Gollihii Maxaakiimta Muqdisho.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed