Dekada Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley oo dib loo furayo Xili dowlada Federaalku aanay Ku Niyad Samayn
Ceel Macaan 08. May 2017 (SDN/QJ):- Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in si dhaqsi ah u howl galiyaan Dekadda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo sidoo kale garoonka Diyaaradaha Cisaley ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in aysan wax gor gortan ah maamulkooda uusan ka galeyn in ay dib u howl galiyaan Garoonka Diyaaradaha Cisaley iyo sidoo kale Dekada Ceel Macaan.
Waxa uu tilmaamay Wasiirka in qorshaha lagu hirgalinayo ilaha dhaqaalaha maamulka Hirshabelle gaar ahaan Dekada Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley uu meel wanaagsan marayo ayna dhawaan rajeenayaan in la hirgaliyo.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in iyadu diidan tahay in la howl galiyo garoonka Diyaardaha Cisaley iyo Dekadda Ceel Macaan ee kuyaala duleedka Muqdisho, walina lama oga sababta dowlada Dhaxe aysan ugu qanacsaneyn in HirShabelle ay furtaan ilahaasi si dhaqaale uga helaan.
Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo maamulka Hirshabelle oo markii hore ka dhalatay dib u howl gelinta Dekada Ceel Macaan iyo Graoonka Cisaley ayaa sii xoogeestay kadib markii dowlada ay diyaaradaha jaadka ku amartay in aysan ka degi karin garoonka Diyaaradaha Jowhar.