Degmo Ka Mid ah Degmooyinka Somalida Oo Markii Ugu Horraysay Laga Waayey Hal Qof Oo Shacab ah iyo Sababta Keentay
Cee-buur:July,03,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Somalia, waxa Magaalada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud markii ugu horraysay Taariikhda Laga Waayey Hal Qof oo shacab ah.
Cabdi Xasan oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Somalia eek u sugan Ceel-buur ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii magaalada ku noolaa ay iskaga qaxeen, iyagoo u yaacay degaamo Gobolka ku yaalla, halka qaar kalena dhinaca Caasimadda miciin bideen.
Waxa uu sheegay in dadkii ku noolaa Ceelbuur ay noqdeen kuwa raaca Al-Shabaab iyo kuwa magaalada Muqdisho u qaxay, maadaama Goobtu tahay goob colaadeed oo Shabaabku weerraro ku hayaan.
“Ceelbuur Qaran iyo Qabiil kuma heyno oo dadkii ku noolaa waxay noqdeen kuwa ku biira cadowga Shabaab oo awalba reer Ceelbuur Shabaab ayey ahaayeen” ayuu yidhi Cabdi Xasan.
Sarkaalkan ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray in afar bilood ay ku sugan yihiin tan iyo xilligaasna aaney arkin qof shacab ah oo magaalada ku sugan.
Degmada Ceelbuur ayaa muddo lix sanno waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab oo waxaaba ay u ahayd saldhig muhiim ah balse horaantii sannadkan ayaa laga saaray, wixii xilligaas ka dambeeyay magaalada waxay ahayd mid go’doonsan.
Sababaha shacabku ugu yaaceen halkaas ayaa lagu sheegay inay magaaladdu muddo dheer Go’doon ku jirtey, isla-markaana ay maciishaddii meesha ka baxday, iyadoo sidoo kalena kooxaha Al-shabaab ay weerraro joogto ah ku hayaan Magaalada Xilliyada Habeenkii.
SDN/QJ