|

Degmada Sheekh: Laba Ruux ayaa Dhintay Laba Kalena Waxaa soo Gaadhay Dhaawac kadib Markii Nin Maskaxda ka Xannuunsanayaa uu Waran Soofaysan la dhacay

Sheekh 16.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caawa Degmada Sheekh ee Xarunta Gobolka Saaxil ka dhacay Shil Sababay Dhimashada Laba ruux iyo Dhaawaca Laba Qof oo Kale.

breaking_news_1_Shilkan ayaa Wuxuu ka dhacay Goob Maqaaxi ah oo Ku taala Badhtamaha Magaalada Sheekh Sida uu Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyey Mid ka Mid ah Goob Joogayaashii ku Sugnaa Goobtaasi Waxaa soo Galay Nin la Sheegay inuu Waalan Yahay amase Maskaxda Wax uga Dhiman Yihiin kaas oo Sitay Waran afkiisu Soofaysan yahay Waxaanu Markiiba ku dhuftay Ninkii ugu Horeeyay ee ku soo beegmay Kadib waxa uu hadana la haleelay Warankii Nin kale oo Kaas ku Xigay,Waxaanu Goob Jooganahani noo Xaqiijiyey in Labadaas ruux ee u horeeyay ay ahaayeen Labada qof ee Shilkan ku naf waayay alle ha u Naxariistee.

Goob jooguhu wuxuu Sheegay in Markas kadib ay dadkii Goobtaas ku Sugnaa isku dhex yaaceen Ninkani kalama uu daba hadhine Hadana Wuxuu Warankii la Tiigsaday haweenay Maqaaxida ka Shaqaynaysay iyo Nin kale Inkasta oo labadan ruux ee danbe uu soo gaadhay dhaawac laguna dabiibayo Cisbitaalka Degmada Sheekh.

Warku Wuxuu Intaas ku darayaa inay Goobtaasi soo Gaadheen Ciidanka Booliska ee Degmada Sheekh Kuwaas oo Gacanta ku dhigay ninkan la sheegay inuu Maskaxda ka Jiran yahay inkasta oo aan lagu samayn Baadhis Caafimaad warku waxa uu Sheegaya in Wakhtigii ay Ciidanku qabanayeen Gacan ku dhiiglahan uu Lugta ka dhaawacmay.

Ciidamada Booliska ee Degmada Sheekh oo aanu Dhankooda la Xidhiidhnay waxay Sheegeen inay ku Guda Jiraan baadhis isla markaana aanay Bixin Karin wax war ah,Hasa yeeshee Waxay Cadeeyeen Dhimashada Labadaasi ruux iyo dhaawaca laba qof oo kale Kuwaas oo Warankan Soofaysani kaga dhacay meelo halbawle ah.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee inta la Og yahay nin ku hubaysan Waran uu ka gaysto degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Comments are closed