Degmada Alleybaday: Wasiirka Beeraha Oo Soo Kormeeray Ceelka Dameero-Boob Oo Imaaraadku Dayactir ku sameeyay
Alleybaday, 04.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa kormeer ku tagay deegaanka Allaybaday, isaga oo soo kormeeray Ceelka Deegaanka oo ay dhawaan maalgalisay Hay’adda Imaaraati ah.
Wasiirka ayaa waxa uu ka waramay faa’iidooyinka Ceelkani u leeyahay bulshada Allaybaday oo ay dadka deegaanka ka cabbaan Dad iyo duunyaba.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in uu Ceelkii si fiican uu u shaqaynayo oo Xoolihii ay ka cabbayaan oo ay dadkii ka cabayaan, iyada oo maalintii hore ee aanu nimid ee Hay’add Al-Khayriya ay keentay qalabka Ceelka oo uu hoggaaminayey Safiirkeena Imaaraadku iyo Wasiirka Caddaalada, isla markaana ay la socdeen wasaaraddii biyuhu, iyada oo rejadu fiicnaatay ILAAHEY mahadii gacan khayr qabta ayey wasaaraddii biyuhu ku qabatay si deg deg ayaa qalabkii hore looga bedalay qalabkii cusbaa ayaa lagu rikibay, maanta dadkii, duunyadii iyo magaaladiiba biyo war war kama jiro, waxa kale oo aan ka mahad celinayaa haddii ay tahay dawladda iyo haddii ay tahayba hay’addaha khayriga ah oo ceelku intii uu jabnaa kaalin weyn ka gaystay siday deegaankan u soo gaadhsiin lahaayeen oo aanay biyo la’aan darrani aanay dhicin”
Wasiirka ayaa waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Intaasi oo dhan hadana waxa ka weyn gacanta ILAAHEY oo dabayshaa ina haysaa waa Foore, waxaanan rajaynayaa inuu ILAAHEY raxmadiisa inoo furo”
Guddoomiyaha Degmada Allaybaday Dr. Cabdi Daa’uud Ibraahim oo ka xog bixinaya ceelka deegaanka Allaybaday ka cabaan oo dib u habayn iyo kicin lagu sameeyey ayaa waxa uu yidhi “Meesha aanu joogno ee uu wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir nagu soo booqday waa ceelkii Dameeroboob, wakhti kan ka horeeyey oo uu fadhiyey wasiirku waa tii Mishiin cusub iyo qasabadihii cusbaa ee ceelka ay noogu deeqeen dawladda Imaaraadku oo uu safiirku waday, maalintaasi wuu fadhiyey ceelku maanta se waxa nasiib wanaag ah in ceelkii oo shaqaynaya uu wasiirku na soo booqday oo uu indhihiisa ku arkay xoolihii oo ka cabaya iyo dadkii dameeraha watay oo ka dhaansanaya oo booyaduhu inta badan habeenkii ayey dhaamiyaan oo maalintii xoolaha ayaa loo daayey, markaa ILAAHEY ayaa mahad leh waanaynu ku meel gaadhi inta uu roobka inoo shubayo ALLE, cidii noogu deeqday iyo wasaaradda biyaha oo aad iyo aad uga shaqaysay sidii ceelkaasi u shaqayn lahaa oo aanu abaal weyn u hayno hadaanu nahay deegaanka Allaybaday, ceelkaasina Insha Allah waanu ku dedaali doonaa inaanu mar dambe naga fadhiisan, dhanka qarkii Itoobiya ayaa jira oo waa ay nala wadaagaan dad iyo duunyaba cidna lagama celiyo markaa ILAAHEY baa mahad leh, abaartana ILAAHEY ayaa inaga qaadi kara oo aynu baryeynaa, xilligii roobabku bilaabayeen waa la galay waananu rajaynaynaa xoolihiina dhimashadoodii way badatay, balse dad dhintay ilaa hadda deegaan ahaan ma hayno”