|

Degdeg: Madaxweyne Siilaanyo oo xil Wasiirnimo u magacaabay hoggaamiyihii jabhadda SSC, Wasaarad iyo Wasiir kuxigeen cusubna soo kordhiyay

Hargeysa 13, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xil wasiirnimo u magacaabay hoggaamiyihii kooxdii burburtay ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye).

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhawayd oo caawa ah ka soo baxay Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mr. Xagla-toosiye u magacaabay wasiirka Dib-u-dejinta, iyadoo wasiirkii wasaaraddaasna uu u magacaabay wasiirka Wershaddaha oo uu ka soo gooyay wasaaradda Ganacsiga.

Degreetada uu soosaaray, waxa kale oo uu ku magacaabay wasiir kuxigeenka wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, wuxuuna qoraalkaas Madaxtooyadu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyey:              Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                               In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

 

Markuu Ka Fiirsaday:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

 

Markuu ku Qancay:             In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

 

Wuxuu go’aansaday

 

1.      In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.

 

2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.

 

 

3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed