|

Degdeg, Duuduub Iyo Dood: Sadex Aan Laysku Doorsan Oo Laysku doorsaday

Hargaysa 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Mucaaradka iyo Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki oo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka, ayaa ka dooday Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubai Ports World oo la filayo inay dhawaan la wareegto Maamulka Dekedda Berbera, kaasoo Guddi ay Xukuumaddu u saartay Sabtidii Doraad u gudbiyeen Golahaa qoraal lagu sheegay heshiiska la wada galay, si ay uga doodaan una ansixiyaan.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Rayte iyo Xildhibaan Balaako oo ka wada tirsan Golaha Wakiillada ayuu Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du Axmed Siciid Cige dhex dhigay dood ku saabsan Heshiiskaas iyo waxa ay inta badan Bulshada iyo dhinacyada siyaasadduba kaga soo horjeedaan ama ku dhalliilayaan maaddaama oo uu yahay heshiis Dekedda Berbera lagu maal-gelinayo oo lagu casriyeynayo. Waxaanay Doodda labadaas Mudane u dhacday sidan:-

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo ugu horreyn ka jawaabaya waxa lagu diiddan yahay heshiiskaas, waxa uu yidhi; “Marka ugu horreysa waan soo dhawaynaynaa Maalgashiga, heshiiska waxa muranka ggeliyey waa mugdiga, wixii mugdi ku jiraaba muran bay galaan. Heshiiskan waxa loo baahan yahay marka wax laga sheegayo in la arko marka hore, waxaynu ka warhaynaa heshiiskan in sifo qarsoodi ah lagu galay, illaa haddana uu qarsoodi yahay. Golaha Wasiirrada waxaan ka warhaynaa inaanu jirin  wasiir qudha oo heshiiskan arkay oo la hordhigay Koobbi ka mid ah oo wuxuu ku diido iyo wuxuu ku raaco arkay jirin.”

Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki ayaa isna geestiisa ku dooday oo yidhi; “Haddii uu wax qarsoodi ah yahay golaha ayaa la horkeenayaa, marka la keeno Xubin kasta oo xildhibaan ahi xaq buu u leeyahay inuu ka dooodo, heshiiskuna qarsoodi kuma jiro ee waannu soo akhriyeynaa.”

RayteSidoo kale, Xidlhibaan Rayte, ayaa ku dooday inaanay jirin haba yaraatee cid aan ahayn Kooxda Xukuumadda ka tirsan ee heshiiska daba-ka riixaya mooyee cid kale oo aragtay, waxaanu yidhi; “Waxa dadku arkay hordhicii ka horreeyey Heshiiska, heshiiskaas hordhaca ah waxyaabo badan oo aan la aqbali Karin baa ku jira. Heshiiskaas hordhaca ahi waxa weeyaan mabaaddida guud ee qodobbada lagu heshiinayo. Maaha heshiiskan rasmiga ah ee la kala saxeexday ee la leeyahay maanta (Shalay) halla ansixiyo. Waxaa ka mid ah in Cashuuraha oo Dastuuriyan mar walba ay tahay inuu gooyo Baarlamaanku, aanay dowladda Somaliland iyo Baarlamaankeedu marna goynaynin Xukuumaddeeda iyo Baarlamankeedu toona ee ay shirkaddu goynayso.”

Xil. Rayte wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaa ka mid ah in Sheerarka sida loo kala yeelanayo oo %65 iyo %35 ay yihiin oo aannaan ku qanacsanayn, waayo? Dekedda qiimaynteedu sida loo qiimayey bay ku xidhan tahay, inta la gelinayaa waa afar boqol oo milyan, dekeddana qiimayn beri hore la sameeyey afar boqol oo milyan baa lagu qiimeeyay, inkastoo aan qabo inay qiimayntaasi hoosayso.” Sidaa ayuu iydhi XIldhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte).

Iyaddoo xilliga la qabtay dooddu ahayd ka hor soo bandhigida heshiiska, haddana Mudane Balaaki, wuxuu ku dooday inaanay heshiiska ku jirin wax cashuur la xidhiidhaa, waxaanuu yidhi; “Horta midi waa mid oo Tacriifad (cashuur) la qaadayo oo Heshiiska ku taallaa ma jirto. Heshiiskana tacriifad laguma gelin. Cashuurta laga qaadayo dekedda maaha had iyo jeer mid cashuur loo sameeyo (la ansixiyo) ee waa mid tartan lagula galo dalalka aynu jaarka nahay iyo dekedaha aynu jaarka nahay. Tan kale ee ah Dekedda qiimeheeda anigu sidaan qabo qiimaha Dekeddu kuma jiro oo Dekedda innagaa leh. Waxa aynu heshiiska kula galnay ee aynu sheerarka kula galayna,  Heshiiskana markaynu akhrino ka soo bixi doonaa waa baaxadda Dekedda iyo qalabka Dekedda yaalla, waa kaa ka lagu qiimeeyey 35% ka.”

Xildhibaan Rayte oo qodobkaas daba socda ayaa mar kale la wareegay hadalka oo  yidhi; “Heshiiska waxa lagu galay Dekedda weeye iyo qalabka yaalla iyo hantida taalla oo dhan oo la qiimeeyey. Heshiiskana waxa laga yaabaa Cabdillaahi inuu arkay, inkastuu mar dhawaydna lahaa cidina ma arag, hadduu arkay wuu sheegi karaa, laakiin anigu waxaan ka hadlayaa heshiiskii hor-dhaca u ahaa heshiiska rasmiga ah ee mabaa’diida u ahaa heshiiskan ee hagayay, caynkaas baa ku taalla in Cashuurta aanay Somaliland jarayn.”

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi;“Heshiisku waa heshiis ballaadhan oo wax walba khusaynaya, waxa loo baahan yahay heshiiskii rasmiga ahaa oo ciddii saxeexday ku taallo, iyo bayj walba heshiiskii rasmiga ahaa uu yahay oo aan la turjumin, Afkii rasmiga ahaa ee lagu kala saxeexday ee hadhaw haddii la is-qabsado Maxkamadda lala tegi lahaa ayaannu u baahannay, hadduu Af-Soomaali yahay Heshiiska Aqbali mayno oo ma ansixin doonno.” Sidoo kale, Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki oo isla taa daba socdaa  wuxuu yidhi; “Waa sax, Golaha ayaa la hor-keenay heshiiska, waa loo qaybinayaa Mudanayaasha, markaynu aragno ee aynu ka doodno aynu taas nidhaahno, Golaha ayaanay awooddiisa tahay wuxu ka yeelayo. Xalaal iftin baa la qashaaye markaynu aragno aynu nidhaahno waxaynu odhanayno, waayo? Waynu u baahannahay heshiiskan in la ansixiyo oo dalka la maalgeliyo.”

Geesta kale mooshinada badiyaa la hor geeyo golaha wakiiladda ayaa la tilmaamaa inay ku fulaan ansixin degdeg iyo duuduub ah oo aan laga fiirsan, jidkaasoo dad badani ka cabsi qabaan in kana loo mari doono.

Comments are closed