|

Deg Deg: Dagaalo iyo duqeymo Hadda Ka soconaya Deegaanka Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan.

Baladweyne,6Aug,2015(QJ/SDN)-Wararka aanu ka helayno gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka Nuur Fanax oo u dhaxeeya degmooyinka baladweyne iyo Halgan uu hadda ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada  Amison iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Alshabaab, waxaana dagaalkaasi uu bilowday markii ciidamada dowladdu ay kasoo dhaqaaqeen shalay dhinaca gobolka hiiraan magaalada xarunta u ah,

dadka deegaankaasi ku sugan ayaa waxa ay sheegayaan in la maqlayo dhawaqa madaafiicda lays waydaarsanayo, warku waxa uu intaasi ku darayaa in markii dagaalku uu cuslaaday ay kusoo biireen diyaaradaha dagaalka, iyadoo halkaasi lagu arkayo diyaarado Helicopters ah oo gantaalo ku tuuraya meesha uu dagaalku ka socdo. Oo ah goob buuralay ah.

Waxaana wararka hordhaca ah ee aanu helaynaa ay sheegayan in illaa hadda uu dagaalkaasi socdo.

 

Hadaba wixii warar ah ee kasoo kordha halkan kala soco insha Allah.

Comments are closed