|

DEG DEG: Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo la wareegay Degmada Ufurow ee Gobolka Baay

Afurow,18july,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Dowladda Somaliya, Amisom iyo Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa waxay goor dhow bilaa dagaal kula wareegen      Degmada Ufurow ee Gobolka Baay.

 

Ciidamada Huwanta oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Qansaxdheere, ayaa si buuxdo gacanta ugu dhigay Degmadaasi Ufurow, markii ay isaga baxeen Ciidamada Ururka Al Shabaab.

 

Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidamada Ururka Al Shabaab ay isaga baxeen Degmadaasi, ka gadaal markii ay ku soo baxeen Ciidamada Isbahaysiga.

 

Ilaa saddex kun oo isugu jira Ciidamada Huwanta, ayaa u jiheystay dhinaca Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo tanina ay qayb ka tahay gulufka militari ee ku foorara Degmadaasi.

 

Ciidamada Huwanta, ayaa ciidan yar kaga tagey Degmada Ufurow, si aynaan gacanta Dowladda Federalka Somaliya kaga bixin Degmadaasi, qaybna ay kaga noqoto goobaha cusub ee laga qabsanaayo Shabaabka.

 

Ururka Al Shabaab, ayaa diyaargarow ugu jira sidii uu kaga hortaggi lahaa Ciidamada Huwanta, ee ku sii siqaaya Degmada Baardheere. Shabaabku waxay Baardheere u arkaan mid muhiim u ah.

 

Dadka ku nool Gobolka Gedo, ayaa isha ku haaya dhaq dhaqaaqa ciidan ee ku wajahan Degmada Baardheere, xilli Baardheere ay tahay Degmada qura ee mintidiintu ka jooggaan Gobolkaasi.

 

Comments are closed