Deeq Raashin ah oo loo qaybiyay 305 Qoys oo Agoomihii Ururkii SNM Iyo Agaasimaha Samafalka oo ka Hadashay {DHAGAYSO}
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN) Deeq Raashin ah ayaa maanta loo qaybiyey qaar ka mid ah agoomihii ururkii SNM ee ku sugan magalada Hargaysa
Munaasabdda rashin qaybinta oo lagu qabtay beerta xorriydda ee magaalada caasimadda ah ayaa raashinkaasi oo ay bixinayso xukuumadda Somaliland qaybna ka ah caawimadii dalka turkigu siiyey Somaliland waxa la gaadhsiiyey 305 qoys oo ka tirsan agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM.
Mas’uuliyiin ka tirsan jimciyada naafada ee Sooyaal oo iyaguna ka hadlay goobta lagu qaybinyey raashinka ayaa uga mahdceliyey xukuumadda Somalilnd deeqdaasi raashinka ah.
Agaasimaha Samo falka ee Wasaarada Dibu dejinta Marwo Aamina Maxamud Diiriye ayaa sheegtay in Xukuumada Somaliland ay Marwalba Xil iska saarto daryeelka Agoomaha SNM.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso agaasimaha samafalka ee dibu dejinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AaminaMadow.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com