|

Deegaano ka Tirsan Gobolka Salal oo Lagu arkay Raadad ka Tirsan Ayax Iyo Qaylo dhaanta Wasaarada Beeraha

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Beeraha JSL ayaa ku dhawaaqday in raadadkii ayaxa lagu arkay meelo ka mid ah deegaano ka tirsan gobolka Salal.
AyaxWasiirka wasaaradda Beeraha Md iyo mas’uuliyiin wehelinayey oo kormeer ay ugu kuurgelayaan raadadka ayaxaasi ku tegay deegaanka Geerisa ee gobolka Salal ayaa Shabakada Qurbejoog u sheegay inay soo mareen ilaa todoba goobood oo ka mid ah meelo loogu sheegay in ayax soo gaadhay, isla markaana ay ku soo arkeen raadad muujinaya in ayax aagaas soo maray, raadadkaas oo ay ka mid yihiin saaladiisii, ugxantiisii iyo dhir la aaminsan yahay inuu isagu cunay.
Mas’uuliyiinta wasaaradda Beeraha oo weli ku gudo jira kormeerkooda ayaa deegaanada ka soo qaaday waxii raadad ahaa ee ay heleen, kuwaas oo tijaabooyinka lagama maarmaanka ah la marin doono.

Comments are closed