Deegaano ka Tirsan Gobolka Bay oo Ciidammada dowladda Federaalka ahi la Wareegeen
Saydheeloow 12.July 2014 (SDN/QJ)- Cutubyo ka tirsan ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaannada Saydheeloow iyo Labaatan jiroow ee gobolka Baay oo ay horay ugu sugnayd malleeshiyada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Baay, Maxamed Isaaq Caracase ayaa u sheegay Bar-kulan in ciidammadu ay deegaannada kula wareegeen weerar ay ku qaadeen, kana qabsadeen malleeshiyada 4 baabuur oo ah kuwa dagaalka.
Guddoomiyuhu ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee gaarey maleeshiyada, wuxuuse tilmaamay in ay dagaalka ku dhaawacmeen 2 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.
Deegaannada Saydheeloow iyo Labaatan jiroow waxay 60 km Waqooyi uga beegan yihiin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Saydheeloow SDN/QJ