|

Deegaannada maamulka Puntland Oo Maanta Salaadda Roob-doonta Laga Oogay SAWIRRO

Garowe — Roob doontan oo laga wada sameeyay inta badan magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa ALLE looga baryay inuu umaddiisa ka dulqaado abaaraha iyo biyo la’aanta laga soo sheegayao dhulka reer guuraaga.

Xubno ka tirsan dowladda, sida wasaradda Cadaalada, arrimaha gudaha, culimadda, isimo, mamulka gobalka kan degmada iyo shacab faro badan ayaa isigu soo baxay waqooyiga magalada Garowe, halkaasoo Alle lagu baryay laguna tukadal labo Rakcadood oo sunno ah.

Salaada ka dib ayay culimaddii goobta ku sugnayd waxay halkaaso kasoo jeediyay kalmado ka hadlaya in mar kasta Alle la baryay oo la xasuusto isla markasna loo gar gaaro qoysaska abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee ku nool dhulka miyiga ah.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay muhiim tahay in la badiyo baryada Alle iyo is-kaashiga walaalnimo. wuxuna sheegay in dadka hantida haystaa looga baahan yahay inay wax la baxaan.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdlaahi Farawayne iyo Duqa Garowe Xasan Maxamed Goodir ayaa sheegay in maanta Alle dartiis looso banaan baxay sababtuna ay tahay in Alle dadkiisa ka dul-qaado abaaraha iyo dhibaatooyinka haysta, masuuliyiintan shacabka wax haystaa waxay ugu baaqeen inay walaalahooda tabaalaysan u gurmadaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ka mid ahaa isimadii goobta ka hadlay ayaa alle baryay inuu dadkiisa dhibka ka dul-qaado waxa uuna sheegay inay tahay mid uu Rabbigeena nagu eegayo balse loo baahan yahay in la isku naxariisto.

Banaanbaxan roob doonta ah ayaa laga wada sameeyay magalooyinka waa weyn ee Puntland, waxaana arrintaasi dabo socda guddiga gurmadka dadaalo ay wadaan oo wax loogu qabanayo qoysaska abaaruhu saameeyeen.

IMG_5269

IMG_5274

IMG_5282

IMG_5294

IMG_5311

IMG_5322

IMG_5326

IMG_5330

IMG_5374

IMG_5389

IMG_5428

IMG_5447

IMG_5453

IMG_5462

IMG_5494

IMG_5501

IMG_5509

IMG_5518

IMG_5523

IMG_5524

IMG_5528

IMG_5533

IMG_5534

IMG_5536

IMG_5545

IMG_5551

IMG_5563

IMG_5565

IMG_5570

IMG_5587

IMG_5588

IMG_5599

IMG_5600

IMG_5601

IMG_5607

IMG_5608

IMG_5613

IMG_5616

IMG_5619

IMG_5621

IMG_5647

Comments are closed