Deegaannada ay Ahlu Sunnah Gacanta ku Hayaan Oo Maanta Ciidda Looga Dabbaaldegayo
Dhuuso marreeb:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Inkastoo dunida islaamka maalintii shalay laga ciidday, haddana waxa jirta in qaybo kamid ah soomaalia maanta oo Sabti ah looga dabbaal degayo maalinta farxadda ciidul fidriga.
Deegaannada ay gacanta ku hayaan Maleeshiyadda Ahlu sunna ee Gobolka Galgaduud, ayaa iyagu maanta galay maalintii koowaad ee Ciidul fidriga, iyadoo maalintii shalay hoggaanka maamulkaasi shaaciyey inay ramadaan ahayd.
Degmooyinka Dhuuso Mareeb, Guriceel iyo Caabud waaq ayaa saaka si isku mid ah looga ciideesanayaa, waxaana Goobo barxado ah oo kuyaala Degmooyinkaasi isugu soo baxay boqolaal dadweyne oo salaada Ciida ku dukaday.
Masuuliyiin katirsan Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dadweynaha ay la dukadeen kula hadlay goob fagaare ah, waxa ayna dadka Muslimiinta ah ugu hambalyeenayeen munaasabada Ciidul Firiga ay maanta u dabaaldagayaan.
Deegaanada Ahlu Sunna ay kataliso ayaa caado ka noqotay in maalinka dambeeyaan marka ay dadka Muslimiinta ah ay soomayaan ama ay ciidayaan, waxaana ficilkaasi wax lala yaabo ku tilmaamay dadyowga ku dhaqan Deegaanada ay kooxdaasi kataliso.
SDN/QJ