|

Deegaanka Xeebta Kenya Oo Weerarro Hor leh Oo Khasaare Geystay Markale Laga Fuliyey

Lamu:July,11,2014(SDN/QJ)-Saraakiisha Booliska Dalka Kenya, ayaa sheegay in Kooxo Dablay ahi ay Saaka Weerar ka fuliyeen Saldhig Boolis oo ku Yaalla Deegaanka Xeebta Lamu.

xwboSaraakiishan ayaa sheegaya in Kooxahan ay Si gaar ah u badhtilmaameedsadeen Saldhigga Xaafadda Pandanguo oo ku yaalla Deegaanka Xeebta oo hore weerarro noocan oo kale ahi  uga dhaceen.

Taliyaha Ciidamada Booliska Lamu Miiri Njenga, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Koox ka tirsan Al Shabaab sida uu tilmaamay in ay Weerareen Saldhiga Booliska ee  Pandanguo waxuuna xusay in laga qaatay Hub kala duwan.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in Maleeshiyaadkaasi ay gubeen Guryo iyo Iskuulo ku yaala Xaafada Pandanguo ee Jaziirada Magaalada Lamu ee Dalka Kenya isagoona qeexay in uu jiro qasaare  halkaas ka dhacay.

Bishii June, Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Weerar ku qaaday Degaanka Mpeketoni ee Jaziirada Lamu, waxaana halkaasi ay ku Dileen ku dhawaad 60 Ruux inkastoo Madaxweyne Kenyatta uu sheegay in aanay Weerarkaasi fulin Al Shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed