|

Deegaanka Oodweyne Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Culusi Oo Lagu Hor Istaagay Sahaminta Shidaalka Halkaa Laga Waday Iyo M/Siilaanyo Burco Uga Diray Digniin Culus Cidkasta Oo Mashruucaasi Ka Hortimaada

Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Iyagoo Deegaanka Oodweyne laga soo sheegayo muran culus oo ka dhex aloosan dadka deegaankaasi ku dhaqan iyo Sahamin shidaal oo ay Deegaankaasi ka wado Wasaarada Macdanta Somaliland ayaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu maqan Gobolada Bariga islamarkaana Shalay ku sugnaa Burco uu fariin digniin ah u diray dadka ku dhaqan deegaamada laga wado Sahaminta Shidaalka,Waxa uu nidar ku galay inaanay Dawladiisu u dulqaadanayn cid kasta oo isku dayda ama Su’aal galisa Mashruuca Sahaminta Shidaalka ka socda Deegaano hoos yimaada Gobolka Togdheer.

Muranka Ka aloosan Deegaanka Oodwayne ayaa gaadhay inay dagaal iskala horyimaadaan Ciidanka Illaalada shirkada sahaminta Shidaalka wada iyo dadka deegaanku,Waxaana asbaabaha muranadaasi dhaliyay loo sibir saarayaa Wacyigalin la’aan ay Wasaaradu ingeega ugu xiirtay fulinta Mashruucaasi iyo dadka deegaanka oo aan wax tixgalin iyo saami ah laga siinin Shaqada laga wado deegaankii Alle ku uumay. Wararkii ugu dambeeyay ee shalay naga soo gaadhay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in Shaqadii hakad gashay islamarkaana wasiirka Xuseen Cabdi Ducaale dhaq dhaqaa jiyay Ergo Iyo Odayaal uu u adeegsanayo dejinta Dadka deegaanka Oodweyne ku dhaqan oo aad u kacsan islamarkaana meel adag ka taagan in Deegaankaasi hawsha Sahaminta Shidaalku ka sii socoto.

Hadaba Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay Munaasibad lagu qabtay Huteel Burco kuyaala oo lagu daah furay Mashruuca Sahaminta Shidaalka laga bilaabay Gobolka Togdheer ayaa hanjabaadii ugu cuslayd ku ganay Cidkasta oo ka hortimaada Mashruucaasi waxaana uu yidhi“Waxaa reebban in sharciga gacanta lagu qaato, ama la is hortaago hawlgallada sahaminta shidaalka, iyo mashaariicda kale ee horumarka, ama maalgashiga ee dalka u soo horyeeshay. Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo midnimada ummadda JSL. Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa.

Waxa kale oo uu sheegay in Mashruucani wada gaadho doono dalka oo dhan,waxana uu yidhi”Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag”

Comments are closed