Deegaanka Lamu Ee Kenya Oo Xalay Weerarkii Saddexaad Lagu Qaaday
Lamu:July,06,2014(SDN/QJ)-Waxa markii saddexaad Weerar lagu qaaday Deegaanka Xeebta Kenya, iyadoo Habeenkii xalay rasaas xoog leh laga maqlay Xarunta Ganacsiga ee Hindi oo u dhaxaysa Degmada Mpeketoni iyo Mokow.
Madaxa Deegaankaasi, Abdalla Shahaasi ayaa xaqiijiyey in ay kooxo aan la aqoonini soo weerareen Xafiiskiisa markii ugu horreysay, kadibna ay weeraro kale dhaceen.
Weerarkan ayaa yimid, xilli uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto booqasho ku marayo Gobalka Xeebta, lana rajeynayo inuu maanta booqdo Degmadda Mpeketoni oo ay Xarakadda Alshabaab bishii hore ku dileen 65 qof.
Hal qoraaal oo ay Xarunta u qaabilsan Gurmadka Masiibooyinka soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayey ku sheegeen in rasaas laga maqlay Xarunta Ganacsiga ee Hindi oo 19-km ka xigta Degmadda Lamu, kuna dhow Degmadda Mpeketoni.
Xaruntu waxay kaloo sheegtay inay shaqaale caafimaad u direen goobtaasi, balse may shaacin khasaaraha dhacay inta uu le’eg yahay.
Sidoo kale, waxaa xalay rasaas laga maqlay agagaarka Deegaanka Tana Dalta, halkaasi oo ay Boliska rasaas isweydaarsadeen maleeshiyo aan la aqoonin oo soo weerartay Saldhigga Boliksa Gamba oo ku yaalla jidka weyn ee isku xidha Lamu iyo Malindi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com