|

Deegaanka Ahlu Sunna Gacanta Ku Hayso Oo Maanta Laga Sooman Yahay

Dhuuso Ma-reeb:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Dhammaanba deegaannada ay gacanta ku hayso, ayaa saaka laga sooman yahay, waxana saraakiisha sare ee Ururkaasi xalay Bulshada ku amreen inaanay ciidu halkaas ka jirin.

ramoSheekh C/raxmaan Cadaawe oo ka tirsan Saraakiisha Sar Sare Ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu xaqiijiyay in maanta laga Sooman yahay dhulka ay gacanta ku hayso Ahlu Sunna.

Shacabka degan Matabaan, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Dhexe, ayaa waxaa hore looga Soomay 28 maalmood, iyagoo hal maalin ka dambeeyay Deegaanada Somalida, oo mar qudha laga wada Soomay.

Sheekh C/raxmaan Cadaawe wuxuu sheegay inaanay jirin sabab maanta looga Ciidi karo dalka Somaliya, maadaama sida uu sheegay aanu jirin goobo ka tirsan dalka oo laga arkay billashada bisha soon fur, sida uu yidhi.

Cadaawe oo wareysi siiyay Idaacada SKY NEWS, ayaa sheegay dadka Somaliyeed in looga baahan yahay inay bil aragti ku Soomaan, kuna afuraan, oo aynaan ku Soomin, kuna afurin dal shisheeyaa bisha laga arkay.

Deegaanada Somalida oo idil, ayaa maanta lagu wadaa in si diiran looga dabaal-deggo Munaasabadda Ciidul Fidtiga, marka laga soo taggo dhulka ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ummada Somaliyeed u diray hambalyada dhalashada bisha soon fur iyo u dabaal-degga Ciidul Fidriga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed