Deegaanada ay Kooxda Ahlu Sunna Maamusho Oo Maanta Laga Sooman Yahay
Dhuusamareeb:July,28,2014(SDN/QJ)-Inkastoo ay Maanta Tahay Muslimiinta Caalamku u degaal degeyaan Munaasibadda Ciidul Fidriga, ayaanay Soomaalida ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku Hayso Kooxda Ahlu Sunna Ay maanta ku jiraan Maalin Ramadaan.
Gobolka Galgaduud oo ay intiisa Badan kooxdani gacanta kuĀ Hayso ayaan laga ciidan, iyadoo ay culimada Kooxdaasi sheegeen in la dhamaystirayo Soddonka BIsha Ramadaan.
Maamulka Ahlusuna ee Gobalada Dhexe dalka Soomaaliya ayaanan ku dhawaaqin inay tahay maanta maalin ciid ah, waxaana wararka ay sheegayaan inay sooman yihiin masuuliyiinta Ahlusunada Gobalada Dhexe ee dalka.
Dhamaan shacabka ayaa qaatay awaamiirta maamulka oo ma jirto ciid laga ciidayo dhulka ay Ahlusunada Gobalada Dhexe ee dalka ay maamusho.
Gobalka Galgaduud deeganada ay ka maamulaan Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo sidoo kale dhulka kale ee ay maamulaan Al-Shabaab ayaa si wanaagsan looga ciidayaa maanta, maadaama ay tahay maalinta koowaad ee ciidul Fidriga.
Ahlusunada Gobalada Dhexe ayaa marwaliba lagu bartay inay khilaafaan maalinta koowaad ee ciida, iyagoo aan u hoggaansamin Dhawaaqa kala duwan eek a soo baxaya Dalalka islaamka oo dhmaantood Maanta ciidaya.
SDN/QJ