|

Deegaan ka Mid ah Gobolka Awdal oo uu Shuban biyood ka dilaacay

Boorama 23.Sep 2013 (SDN)- Deegaanka Xale maale ee Degmada Boon ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dilaacay Shuban biyood waxaana sidaa noo xaqiijiyay Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ee Gobolada Awdal iyo Salal Maxamed Cumar Xaaji Yaabe .

Agaasimaha ayaa sheegay in Shuban biyoodkaasi uu ku soo badanayo deegaanka Xale maale iyadoo lix qof oo xanuunkan qaba loola soo cararay Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee degmada Boon,halkaasina lagu dawaynayo Wuxuu agaasimuhu xusay in laba kooxood oo Gurmad ah ay u direen Jiida deegaankaas isla markaana ay u rareen Daawooyinkii lagula Tacaalayay dadka uu Xanuunkani soo ritay.

Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ee Gobolada Awdal iyo Salal Maxamed Cumar Xaaji Yaabe waxa uu intaas ku daray inay hawshan iskaashi kala leeyihiin maamulka caafimaadka ee heer gobol.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka degmada Boon Maxamed Barkhadle Muuse ayaa isna cadeeyay in Gurmad badan ay soo gaadheen deegaanka Xale maale iyadoo qaar ka mid ah dadkaas lagu daweeyay xarunta MCH-ka ee degmada boon.

SDNBoorama –

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed