|

Dedaalo Maraykanku Ugu Jiro Soo Badbaadinta Somali Haysta Dhalashadiisa Oo Ku Jira Gacanta Xuutiyiinta

New York:June,08,2015(SDN/QJ)-Sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka u hadlay  Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka Marie Elizabeth, waxa jira nin Somali ah, isla-markaana haysta Dhalashada waddanka Maraykanka, kaas oo ku jira Gacanta Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Waliba laba kale oo haysta Dhalashooyinka Dalalka yemen iyo Maraykankaba.

burrrAfhayeenkani waxa uu intaasi ku dartay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaasi haysta Dhalashadda Maraykanka.

Dowladda Oman ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadin ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta isbuucii hore ku sii daayeen Labo nin oo Maraykan ah.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta u qabsadeen dadka haysta dhalashadda Maraykanka, laakiinse, waxaa la tuhunsan yahay inay Dagaalamayaasha doonayaan inay ku gorgortamaan Shisheeyaha ay ku qabtaan gudaha dalka Yemen.

Dagaalamaayasha Xuutiyiinta iyo ciiddankii gaarka ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cali Cabdalla Saalax ayaa noqday Isbahaysi dagaal la gala Isbahaysiga ay Dowladda Sacuudiga hoggaaminayso.

Dagaalamayaasha waxay shalay Gantaalka ridada dhexe ee Iskaad ku tureen degmadda Khamiis Mushayt ee dalka Sacuudiga, iyadoo uu Gantaal-burburiyaha Patriotic missile uu dhulka soo dhigay Gantaalka ay Xuutiyiinta soo ganeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed